18/04/2022
Su’aasha | 1
Sidee Baa Loogu Soomi Karaa
Wadamada Aanu Qoraxda u Dhicin
Jawaabta | 1
Mas’alada ku saabsan wadamada aan qoraxda u
dhicin ama ayna u soo bixin labadaba wey dhacdaa,
waa mas’alo masaa’isha ka mid ah () casriga ah ayay
ka mid tahay culimaduna wey ka hadleen, waxaana
loo badan yahay in ay habeen kii iyo maalin tii ay
(qadarayaan) maadaama qorax u soo baxaysa oo u
dhacaysa aanay jirin qiyaas iyo qadarin bey ku socon
nayaan, waxaan na arrin kaa laga qaatay xadiithka
Nabigaﷺ .
Nabigaﷺ wuxuu ka waramay inuu (Dajjaal) imaan
doono.
Dhulka wuxuu joogi doonnaa buu Nabigaﷺ yidhi 40
maalmood, afartan kaa maalmood maalin kamid ah
sannad bey la ek tahay, maalin kamid ahna bil bey la
ek tahay, maalin kamid ahana usbuuc bey la ek
tahay, maalmaha intooda kalena waa maalma heena
oo kale waaye.
Sidaa markuu Nabiga ﷺ ugu sheegay bey saxaabada
waxay yiraahdeen Rasuul Ilaahayow: Maalin kaa
sannadka u dhigma ee sannadka oo kale ah hal
maalin salaaddii ma nagu filan tahay?
Hal maalin oo maalmaha naga oo kale ah shan tii
salaadood ee aan tukan jirnay miyaan tukan neynaa
ma nagu filan tahay mise sideen yeelnaa?
Markaasaa Nabiga ﷺ wuxuu yidhi:
Maya ee qadar kiisa u qadara qiyaas, yacni maalintii,
maalin walba intii ay ahaan jirtay qiyaas, salaada
hiina salaad walba waqti geeda qiyaas, sidaa qiyaas
taa ku tukada oo maalin walba iyo habeen walba
shan salaaddood habeenka iyo maalinta inta u
dhigmi jirtay shan salaadood tukada, hadana habeen
kii iyo maalin tii inta u dhigmi jirtay shan salaadood
tukada u qadara buu Rasuulka ﷺ yidhi.
Xadiis kaas ayaa marka laga qaatay oo waxay
leeyahiin, taas oo kale ayay u dhigantaa oo waa meel
aan qoraxi ka jirin habeen iyo maalin aan ka jirin ama
habeen isku bixis ah ama maalin isku bixis ah. Marka
waxay leeyahiin qadar qiyaas taas ayay ku socon
nayaan.
Kadib baa culimada waxay isku khilaafeen xagee
looga khiyaas qaadan nayaa oo ay halbeel ka dhigan
nayaan dhow mad-hab baa isu khilaafay.
Qaar waxay leeyihiin wadamada (muctadi ka) ah
sidooda oo